U bood dhigaalka

Trump: Masar Haddii Ay Burburiso Biyo-xireenka Cidna Kuma Qabsan Karto

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Masar ay ku hanjabtay burburinta biyo-xireenka isla markaana haddii ay sidaa sameyso aan loo raacan Karin.

Arrintan ayuu ka yiri wada hadal khadka telefanka ah oo dhexmaray madaxweynaha Mareykanka iyo ra’isul wasaaraha Suudaan Cabadalla Xamduuk.

Trump ayaa ka codsaday Suudaan iney dhexgasho labada dal kadib markii uu burburay heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen, waxaa uuna intaa ku daray “5 sano markii la is mari waayey, Ayaan heshiis keenay, laakin waxaa uu ka hirgeli waayey dhanka Itoobiya, iyada oo biyo-xireenka ku sameeyey webiga Nile, waan ka jarnay gargaar aan siin laheyn, ….haddii Masar ay burburiso biyo-xireenka cidna uma qabsaneyso”.

Dhanka kale, Donald Trump waxaa uu sheegay in Suudaan iyo Israel ay soo ceshteen xiriir dhaqaale taasi oo ka dhigan iney uu caadi usoo noqonayo xiriirka labada dal, ma sheegin xilliga la furayo safaaradaha.

Goobjoog News