Aqalka Cad: Trump Waxaa Uu Booqan Doonaa UK

Aqalka cad ayaa sheegy in Madaxweyne Trump uu booqasho ku tagi doono dalka UK bisha soo socota ee July.

Sida ay sheegtay Sarah Huckabee Sanders oo ah afhayeenka aqalka cad madaxweyne Trump waxaa uu booqan doonaa 13 July UK iyada oo aan la cayimin mudada ay qaadaneyso booqashadiisa.

Wax yar ka dib markii aqalka cad uu ka soo baxay ogeysiiska booqashada Trump waxaa ay xaqiijisay xukuumadda Britain in Trump uu wadahadal labageesood ah uu la yeelan doono ra’iisulwasaaraha dalkaasi Theresa May.

Waa booqashadii ugu horreysay oo madaxweyne Trump uu ku tago dalka UK tan iyo markii uu lawareegay jagada madaxweynenimo bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.

Theresa May horay ayey u booqatay aqalka cad 27 Janaayo,2017 oo ah todobaadyo ka dib markii uu xilka la wareegay Trump.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW