U bood dhigaalka

Trump Oo Dalkiisa Ka Saarey Heshiis Ganacasi Oo 12 Dal Kala Dhaxeeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalkiisa waxaa uu ka saarey heshiiska ganacsiga xorta ah ee dalalka pacific-ga ee TPP.

Madaxweyne Trump ayaa sabab uga dhigey arrinkan iney muhiim u tahay shaqaalaha dalka Mareykanka, aragtidaas oo ka duwan midda uu aaminsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Ilaa 12 dal oo dhaca Pacific-ga ayaa ku jiray heshiiskan ganacsi, lamana oga heshiisyada kale ee uu ka bixi doono Trump.

Heshiiskan waa mid uu horey u dhaliiley Trump intii uu ku jirey ololaha doorashada, waxaa kaloo diidaa sharci dejiyaasha Mareykanka ayaa diidanaaya

Goobjoog News