U bood dhigaalka

Trump oo Dhaleecayn Adag Usoo Jeediyay Dadka Ku Mucaarada Xiriirka Ruushka

Sheeko:Dalka

Donald Trump ayaa si adag u weeraray dadka ku dhaliila xiriirka dalka Ruushka waxa uuna ku tilmaamay dad doqomo ah oo aan waxba kala garaneyn.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa carrabka ku adkeeyay iney laga maarmaan ay tahay in xiriir wanaagsan lala yeesho dalka Ruushka isagoo dadka ka soo hojeeda xiriir fiican oo ruushka lala yeesho ku tilmaamay kuwo doqomo ah  “Dadka doqomada ah oo qura, ayaa u maleynaya in xiriir fiican oo Ruushka lala yeesho uu yahay arrin xun”.

Hadalkan ayaa madaxweynuhu waxa uu ku soo daabacay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka Sabtidii, 7, January, 2017, isagoo tilmaamay ‘Suurtogalnimada in labada dowladood iska kaashadaan iney xal u helaan mashaakil badan oo dunida ah’.

Waxa uu sheeay in dowladaha dunida mid kastaba ay goonni u haysato mashaakil ku filan oo gaar u ah, isagoo farta ku fiiqay in dalka Ruushku uu si weyn u ixtiraami doono dalkiisa marka uu si rasmi ah ula wareego xilka 20 bishan January ee hadda aan ku jirno.

Sirdoonka Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo saaray awaamiir cad oo ku saabsan in saameyn lagu yeesho doorashooyinka madaxtinimo ee Mareykanka.

Warbixin ay daaha ka rogeen sirdoonka Mareykanka oo Maanta lasoo bandhigay , wakaaladda wararka ee Anatolia-na ay heshay nuqul ka mid ah ayaa lagu yeeshay, ” Qiimeyntii aan sameynnay(sirdoonka) waxaa nooga soo baxday in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amray in loo ol’oleeyo Trump sandka 2016, amarkaas oo ku waajahnaa doorashada Mareykanka”.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in Ruushku ay isku dayeen in la saameeyo dareenka shacabka Mareykanka  isla markaana la dhibaateeyo sumcadda Hillary Clinton iyo in waxyeello adag loo geysto fursadaha ay guusha ku heli karo doorashooyinka madaxtinimo ee Mareykanka.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeeyay in Puntin iyo dowladda Ruushka ay si cad u muujiyeen dareenkooda u xaglinaya dhanka Trump doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka.

Goobjoog News