U bood dhigaalka

Trump Oo Dib U Dhigay Go’aankiisii Raridda Safaaradda Mareykanka

Sheeko:Dalka

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu dib u dhigay go’aankiisii ku aadanaa ku dhawaaqista Qudus inay tahay caasimadda Isra’iil.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa waxaa uu tilmaamay in Trump laga sugaayo maalmaha soo aadan in Qudus ay noqon doonto caasimadda Isra’iil iyo in kale.

Jimcadii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxaa uu ku dhawaaqay in Arbacada uu Qudus u aqoonsan doono magaalo madaxda Isra’iil ama uu safaaradda Mareykanka uu u rari doono.

Bishii June ee tagtay ayaa Trump waxaa uu saxiixay in 6 bil ka dib uu safaaradda u rari doono qudus uuna u aqoonsan doono caasimadda Isra’iil balse mudadii 6 bilood aheyd waxay ku eked shalay isniintii.

Go’aanka Trump ayaa waxaa ka dhashay fal-celin badan,  xoghaya guud ee ururka jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qeyd ayaa ku tilmaamay hadalka Trump mid dhiiro galinayo inay sii socoto xagjirnimada iyo deganaasho la’aanta qudus.

Goobjoog News