U bood dhigaalka

Trump Oo Diiday Heshiiskii Paris Ee Cimilada Aduunka

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyeyaasha dowladaha G7-ka ayaa waxay ku guuleysteen inay heshiis sax ah ay ka soo saaraan isbadalka cimilada aduunka.

Doladahaan Todobada ah ee hodonka ku ah warshadaha ayayaa waxay sheegeen in heshiiskii Paris ay mar kale dib u cusbooneysiinayaan heshiiskaas oo ula jeedkiisu ahaa in dowladaha warshadaha leh ay yareeyaan Gaaska.

Dhanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiska isbadalka cimilada ee Paris waxa uu ku tilmaamay inuu yahay mid qiyaano ah .

Trump ayaa sheegay in isbuucyada soo socda uu qaadan doono go’aan ku aadan heshiiska cimilada aduunka.

Shir madaxeedkaan ay yeesheen dowladaha G7 ayaa waxa uu noqonayaa shir madaxeedkii ugu horreeyay oo uu ka qeybgalo madaxweynaha mareykanka Donald Trump.

Dowladahaan ayaa sidoo kale waxay isku raaceen inay isku meel uga soo jeestaan la dagaalanka argagixisada.