U bood dhigaalka

Trump Oo Fadeexadda Ku Furan Uga Badbaadi Kara Natiijada Safar 9 Maalmood Ah Uu Dibadda Ugu Baxayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Dorland Trump ayaa maanta bilaabaya safarkiisa ugu horreyay ee dibadda Mareykanka ah tan iyo markii la doortay.

Mr. Trump waxaa uu dalka Mareykanka ka maqnaan doonaan 9 maalmood isaga oo tagi doona Sacuudiga, isra’il, Falastiin, Vatican iyo Jasiiradda Talyaaniga ku taallo uu kula kulmi doono NATO.

Madaweynaha Mareykanka oo dalkiisa looga dhegan yahay arrimo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Ruushka ayaa doonaya in uu ka baxsado fadeexaddaas, isaga oo dadka ku mashquul doona siyaasadda arrimaha dibadda.

Berri oo sabti ah waxaa lagu wadaa in uu Riyadh kula kulmo madaxda 50 dal oo Islaam ah isaga oo ka hadli doono Islaamka uu rabo in dunida laga hirgeliyo.

Safarka Trump waxaa lagu sheegay mid uu doonayo muujinta awoodiisa siyaasadda arrimaha dibadda, laakin natiiada ayaa la leeyahay waxaa ay ku xiran tahay mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Goobjoog News