U bood dhigaalka

Trump Oo Maanta Baneynaya Aqalka Cad

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Mareyknak Donald Trump, ayaa la filaya in maanta oo Arbaco ah uu faarujiyo kursiga madaxtinimada dalkaas kadib markii Hogaamiyaha xisbiga Dimiqoradiga Joe Biden uu kaga adkaaday doorashadii dalkaas ka dhacday bishii November sanadkii tagay.

 

Trump ayaa xalay jeeydiyay khudbadiisii macsalaameynta isagoo sheegay in intii ay xilka joogeen ay qabteen dhamanba howlalahii u qorsheyna, waxa uuna sheegay in uu xafiiska ku wareejinayo maamulka cusub ee la doortay  .

Madaxweeynaha doorashada ku adkaday Joe Biden ayaa la filaya in maanta gelinkii danbe loo dhaariyo jagada ugu sareeysa dalka mareeykanka.

Amaanka magaalada caasimadda ah ee Washiton ayaa aad loo adkeyay ka hor dhaarinta Biden , waxaana xarunta Capitol Hill, la geeyay cidamadii ugu badnaa .

FBI- da mareykanka ayaa dhankeeda uga digtay taagerayaasha hubeysan ee Trump in ay carqaladeeyaan xafladda dhaarinta Madaxweeynaha Cusub .

Joe Biden oo 78- jir ah iyo ku-xigeenkiisa Kamala Haris ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya xafiiska Aqalka Cad .