U bood dhigaalka

Trump Oo Maanta Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta U Sheegi Doona In Ay Ku Daba Saftaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald  Trump ayaa lagu wadaa maanta in magaalada Riyadh uu kula hadlo madaxda iyo wakiilo ka kala socda wadamada Islaamka, isaga oo kala hadli doona wada noolaashiyada diimaha iyo la dagaalanka argigixisada.

Donald  Trump waxaa uu xoogga saari doona in wadamada Islaamka Sunniga ah ay sameystaan xulufo ka dhan ah” Argigixisada iyo Shiicada”.

Shirka hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Trump waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo dalkiisa uu ka mid yahay wadamada uu ka socda la dagaalanka kooxahaas.

Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliya waxaa kale uu heystaa dhalasha Mareykanka, waxaa laga yaabaa in taasi isku soo dhaweyso afkaarta labada nin marka uu la kulmo madaxweynihiisa.

Goobjoog News