U bood dhigaalka

Trump Oo Qirtay In Uu Labo Sir La Wadaagay Dalka Ruushka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo horay la damacsanaa in baaritaan lagu sameeyo xiriirkiisa dalka Ruushka ayaa waxaa uu sheegayaa hadda in labo sir uu la wadaagay  Ruushka

Donald Trump waxaa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka uu la wadaagay sir ku saabsan Daacish iyo nabad-galyada duulimaadka diyaaradaha.

Washington Post oo arrinkaas kashiftay waxaa ay sheegeysaa in Donald Trump  uu bixiyay sir uu ka helay dalka ay Mareykanka saxiibo yihiin, dalkaas oo aan ogolaashiyo laga heysan in arrinkaas la sheego.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu difaacay falka uu sameeyay isaga oo ku doodaya in jagada uu hayo ay u ogolaaneyso.

Goobjoog News