U bood dhigaalka

Trump Oo Saxiixay Miisaaniyad KMG Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay mashruuca sharciga bajadka ku meel gaarka ah kaasi oo lagu maalgelinayo xukuumadda Faderaalka muddo saddex todobaad ah.

Arrinkani ayaa yimid ka dib markii Congress labadiisa gole iyo Brlamaanka ay waafaqeen mashruuca.

Arrinta go’aanka miisaaniyadda ku-meel-gaarka ah ayaa waxay dowladda maalgelin doontaa ilaa 8 bisha Febraayo ee soo socota, waxayna arrintaani ogolaaneysaa in dib loo bilaabo shaqada hay’adaha dowladda oo muddo saddex maalin ahaa xirnaa.

Golaha senatarada ayaa go’aamiyey ayaa shalay galab go’aamiyey mashruuca bajadka ku meel gaarka ah waxaana loo qaaday codeyn .

Codeynta ka dib ayaa madaxweyne Trump waxaa uu cadeeyay in uu ku faraxsanyahay codeynta golaha Senatarada waxa uuna ka soo saaray aqalka cad warmurtiyeed uu kaga hadlyo in maamulkiisa uu maalgelinayo dowladda si xal loogu helo arrinta caadiga aheyn oo la xariirta sooga- lootiga sharci darrada ah.

Goobjoog News