U bood dhigaalka

Trump Oo Sheegaya In FBI-da Aaney Baaritaan Ku Heyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka D. J. Trump ayaa sheegaya in xafiiska dambi barista ee FBI-da aaney wax baaritaan ah ku aheyn arrita ku saabsan xiriirka uu la leeyahay dalka Ruushka.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu madaxa FBI-da weydiiyay in la baarayo in in kale, “waxaana la iigu jawaabay  Maya” ayuu intaa raaciyay.

Mar la weydiiyay sababta uu u ceyriyay madaxdii FBI James Comey waxaa uu yiri“FBI-da waxaa ka taagan Fowdo, ninkan waa nin jecel in uu soo muuqdo, si kastaba waan cetrin lahaa”

FBI-da waxaa ay Trump ku wadaan baaritaan la xiriira in Ruushka saameyn ku lahaayeen doorashadii Mareykanka ka dhacday iyo in kale, taasi oo haddii lagu helo ay noqon doonto fadeexad weyn oo dunida ka shakeyso.

Goobjoog News