U bood dhigaalka

Trump Oo Soo Dhoweynaya Tamiim

Sheeko:Dalka

Sida uu sheegay Aqalka Cad madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa talaadada soo socota Washington ku soo dhoweyn doona Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamda Al-Thani, kaasi oo booqasho dhowr maalin qaadaneysa ku tagaya Mareykanka.

Wakaaladda wararka Qadar ee QNA ayaa sheegtay in Sheekh Tamiim iyo Trump ay ka wadahadli doonaan waddooyinkii lagu horumarin lahaa xiriirka Istiraatiyajeed ee ka dhaxeeya labada dal, iyada oo sidoo kale ka wadahadli doonaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee laba dal ay wadaagaan.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey in Trump uu eegi doono in la xoojiyo isku xirka Qatar iyo Mareykanka iyo in miiska la soo saaro howlaha hortabinta u leh xiriirka labada waddan oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa Turmp iyo Tamiim waxaa ay  kuwada hadleen qadka telefoonka iyaga oo soo bandhigay sida lagu xoojin karo xiirirka labada dal iyo sidii loo kordhin  lahaa howlgallada ka dhanka ah xagjirnimada iyo argigixisada.

Goobjoog News