U bood dhigaalka

Trump oo Warbaahinta Dalkiisa Ku Tilmaamay Kuwo Cadaw Ku ah Shacabka Mareykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warbaahinta dalkiisa ku tilmaamay kuwo cadaway ku ah dalka Mareykanka.

Hadal kuu soo qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku weeraray shabakada warbaahinta ugu waaweyn dalkiisa oo ay ka mid yihiin “CBS, SNN, ABC, NBCNews, nytimes”, oo uu ku tilmaamay kuwo “cadaw ku ah shacabka Mareykanka”.

Dhanka kale, Madaxweynaha Donald Trump ayaa bartiisa  Internetka kusoo bandhigay ra’yi uruurin lagu kala saarayo warbaahinta mucaaradka ku ah iyo kuwa kale ee dhexdhexaadka uu ku tilmaamay.

 

Madaxweynaha ayaa dadka ku yiri, “Igu garabsiiya si aan u joojinno wararka been abuurka ah, waxaad ii sheegtaan warbaahinta aad ka aaminsan tihiin iney tahay tan ugu xun”.

Ra’yi uruurintan ayaa ka kooban 25 su’aalood oo lagu qiimeynayo run sheegga warbaahinta, howlqabadka madaxtooyada si gaar ah, iyo guud ahaan taageerada ay dadku u hayaan xisbiga Jamhuuriga ah.

Waxa uu dadka ka codsaday in warbaahinta lagu qiimeeyo iyadoo la eegayo wararka ay dadka gaarsiiyaan ee dhanka madaxtooyada iyo siyaasadda xisbiga Jamhuuriga ah, warbaahinta uu soo xushay waxaa ka mid ahaa, CNN, Fox News iyo MSNBC, ….

trump

Trump waxa uu muujiyay sida uu uga xanaaqsan yahay warbaahinta Mareykanka isagoo ku tilmaamay iney ku yihiin mucaaradka ugu weyn ee ka soo horjeeda.

Waxaa xusid mudan in lataliyihii dhanka amniga ee madaxweyne Trump Michael Flynn uu isku casilay warar ay warbaahintu soo bandhigeen oo ahaa xiriir Michael uu la sameeyay safaaradda Ruushka ee dalka Mareykanka oo uu safiirka ka yahay Sergey Kislyak, isagoo faahfaahinta xiriirkaas aaney waxba kala socon Aqalka Cad ee Mareykanka.

Warbaahinta ayaa sidoo kale daabacday warar kale oo xasaasi ah aadna uu uga xumaaday Trump, waxa uu beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee xiriirka uu la leeyahay dalka Ruushka, waxa uuna wariyeyaasha ku eedeeyay iney ka faafinayaan warar aan sal iyo raad lahayn oo been abuur ah.

Goobjoog News