U bood dhigaalka

Trump: Washington Waxaa Ay Sheegi-doontaa Dilaaga Khashoggi

Sheeko:Dalka

Kadib maalin markii ay CIA-du sheegay inuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi isla markaana uu ahaa ninka amray ayuu dhankiisa sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump  in dalkiisa uu sheegi-doonno cidda dishay Khashoggi 2 maalin gudahood.

Donald Trump waxaa uu natiijada CIA-da ku tilmaamay mid waqtigeeda ka soo hor martay, laakin waxaa uu intaas raaciyay inay macquul tahay.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sidoo kale ka hadlay inuu heli-doono warbixin ku saabsan cidda dishay iyo waxa ka dhalan kara, 2 maalin gudahoodna uu ku shaacin-doono.

Donald Trump  waxaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ilaaliyo heshiisyada uu la galay Sacuudiga, laakin hey’adaha Mareykanka sida Congersska waxaa ay doonayaan in runta la ogaado.

Goobjoog News