U bood dhigaalka

Turkiga: Afgambigii Dhicisoobey ee 15-kii July, Maxaa Sababay in uu Dhaco, Natiijaduse waa Maxay?

Sheeko:Dalka

Bishii July 15keedii koox ka tirsan askarta dalka Turkiga  ayaa sameeyey afgambi  dhicisoobay,  waa afgambigii  7aad ee ka dhaca dalkaasi.

Waxaa jira baaritaanno la sameeyey kuwaa oo soo xaqiijiyay in afgambigii dhicisoobay ay ka dambeeyaan saraakiil daacad u ah  dhaqdhaqaaqa Gülen  waana kooxda dowladda Turkiga ay ku dartay liiska ururada ay u aqoonsan tahay argagixisada sanadkii 2014kii,  kooxdaan ayaana sida la sheegay wakiillo ku leh gudaha dalka Turkiga sidoo kalena xiriir la leh shabakado caalami ah oo xooggan.

Marka la fiiriyo afgambiyadii militarigu kaalinta ku lahaa intii lagu guda jiray dagaalkii qaboobaa waxaa lagu sifeeyaa afar arrimood oo waaweyn taasoo awood u siisay inay afgambiyaan dowladda: Xowliga,  sirta la helayo,  sharciyadda xad-dhaafka ah  iyo saraakiisha ciidamada hoggaanka u ah,  iyadoo markaasi militarigu uu ahaa kan ugu xooggan ee qeybaha kala duwan ee caalamka, wuxuuna lahaa awoodda ugu sareysa ee uu ku hoggaaminayo tillaabo kasta oo la rabo in laga qaado dowladda markaas talada dalka heysa.

Waxaa si aad ah u sii shaac baxayey labaatankii sano ee tagtay dagaalkii qaboobaa kadib in meelo badan afgambiyadu ay noqdeen kuwo fashilmay iyadoo loo sababeeyey qaabka loo maray oo ah nidaam horey loo isticmaali jiray.

Marka la fiiriyo wixii dhacay 15 Julay wuxuu ahaa iskuday ku dhammaaday guuldarro weyn iyadoo afgambigani  uusan u ekeyn  kuwii horey usoo maray dalka.

Dadkii ka dambeeyey afgambiga ee gacanta ku hayey waxay aaminsanayeen in afgambiga la soo afjari doono subaxa hore iyadoo la isticmaalayo awood waana rajada ay qabtay kooxda Gulen waxayna ugu magac dareen afgambiga “hawlgalkii biriqda”

Waxyaabaha loo sababeynayo inuu cuuryaamaan afgambiyadii hore ayaa ah sida ay u shaqeeyaan sir doonka dalka Turkiga iyagoo sameynaya ka hor tag, marka la ogaado dadka ka dameeya afgambiga kuwa kasoo horjeeda afgambiga waxay la haayeen geesinimo iyo qaabkii ay ugu  abaabuli lahaayeen mucaarad afgambiga islamarkaana iska cabin sameeyaan.

Afgambigii dhacay sanadkii 1980kii wuxuu bilawday 03:00 wuxuuna soo gabagaboobay xilli hore ee subax ah iyadoo aysan jiran wax iska caabin ah oo ka hor yimid.

Dadkii soo maleegay afgambigii 1960kii ayaa u diray kabtan wata askar raadiye ku yaalla magaalada Ankara wuxuuna u sheegay 50 askari oo markaas shaqo ku jiray inay la wareegayaan raadiyaha askartuna ay guryahooda iska aadaan waxayna ku qaadatay 10 daqiiqo inay la wareegaan maamulka idaacadda keliya ee wax tebisa.

Kobaca teleefishinada laga soo bilaabo sagaashanaadkii iyo sida ay u noqdeen wax aad looga adeegsado dalka Turkiga ayaa inta badan sabab u ah afgambi  aan caadi ahayn oo dhacay  sanadkii 1997dii.

Hawlgalkii ciidamada Turkiga ay qaadeen ayaa ahaa mid aan qaabeysneyn islamarkaana aan laga fikirin awoodda saxaafadda dalka Turkiga maxaayeeley wuxuu ahaa inuu 3 AM  sida markii horeba qorshuhu ahaa waxaana markaasi dhici kartay inay la wareegaan badi gacan ku haynta badanaa saxaafadda dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee markii qorshahoodii  ay burburiyeen hay’adaha sirdoonka ma heli Karin fursad ay uga dhaadhici yaan militariga in guusha afgambiga ay haysato taageerada qof kasta ee militeriga ka mid ah oo aysn jirin xataa iska cabin yar.

Xaqiiqda ayaa ah in kooxdii ka dambeysay afgambigii 15kii Julay ay weli hawshoodii sii wadan karaan iyadoo ay jiraan in la xayiray dhaqdhaqaaqyadooda waxaana lagu tilaamay inay yihiin dad duulaan ah oo doonaya inay kiciyaan dagaal sokeeye si ay ula wareegaan maamulka dalka.

Iyadoo ay jirto dhiig daatay iyo rabshado kadib afgambigii 1960 iyo 1980 kuwii ka dambeeyey afgambiyadaas waxay ka caga jiidayeen inay miciinsadaan guri si afgambigoodu u noqdo mid guuleysta.

Saraakiisha soo maleegta afgambiga waxay inta badan ogyihiin in afgambiga la fuliyo iyadoo aysan jirin ujeedooyin cad islamarkaana aysan sharciyad u haysan, saraakiil badan oo ka dambeeyey afgambi dhacay 1960kii oo uu ka mid ahaa hooggaamiyaha kooxdaas general Gursel ayaa doonayey inuu sugo waqtiga uu ku habboon yahay iyadoo markaasna dadku u arki lahaayeen afgambi sharci ah inta militarigu uusan faraha la soo gelin.

Waxaa ku sii baahayey rabshado dhammaan dalka taasina waxay keentay in dadku ay si weyn u soo dhaweeyaan afgambigii 1980kii in badan oo ka mid ah ururada bulshada rayidka iyo xisbiyada siyaasadda ayaa si cad u taageeray afgambiga iskaashigoodana wuxuu lagama maarmaan u ahaa militeriga.

In kasta oo afgambigan ay qaadeen ciidamada daacadda u ah Gulen hadana waxaa dhici karta in ciidamo kale oo waddaniyiin ay ku lug lahaayeen, ama ay dhici kartaba.

Waxaa loo baahan yahay in Militariga lagu sameeyo Islaax qeybihiisa kala duwan iyo in wax laga badalo qodobka 35-aad ee dastuurka, waana AK ay la timaado qorshe dheer oo loola dhaqmayo Militariga dalka.

W/Q: Omer Aslan,  Sharqforum.

Goobjoog News