U bood dhigaalka

Turkiga: Ciidamada Turkiga Oo Duqeymo Ka Gaystay Waqooyiga Suuriya.

Sheeko:Amniga

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay inay burburiyeen in ka badan 20 goobood oo ay ku sugnaayeen xoogaga Kurdiyiinta isla markaana ayku dileen tiro badan oo mintidiin ah, magaalada Tal Rifaat ee waqooyiga Siiriya.

 

Ilo ka tirsan militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen Sabtidii in duqeynta goobaha Kurdiyiinta ay jawaab u tahay madafiic lagu garaacay gobolka “Kilis” ee koonfurta Turkiga.

 

Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in duqeymo aargudosho ah, ay ciidamadu ku qaadeen goobo ku yaal “Tal Rifaat”, oo la rumeysan yahay in laga soo riday madafiicdii lagu weeraray gobolka killis, Khamiistii.

 

Waxay cadeyeen saraakiishu in ciidamada Turkiga ay bartilmaameedsadeen, marka laga soo tago goobihii ay madaafiicda laga soo tuuray, goobo kale oo ay lahaayeen kooxaha kurdiyiinta “YBK / PKK”, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan in ka badan 20 goobood.

 

Duqeymaha Turkiga waxay sababeen sidoo kale dhimashada tiro badan oo “argagixiso” ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.