U bood dhigaalka

Turkiga iyo Galmudug Oo Ka Shiray Abaarta Dalka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmahaan ku suganaa magaalada caasimaada ah ee Muqdisho ayaa maanta waxaa uu la kulamay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Madaxweynaha Qoorqoor  ayaa safiirka Turkiga kala hadlay xaaladda ka dhalatay abaaraha ka dilaacay deegaanada Galmudug, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada deegaanadaas iyo sidii  dowladda Turkiga kaga qeyb  qaadan laheyd u gurmashada dadka ay abaartu saamaysay.

Dowladdda Turkiga ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan oo ay ku jirto tababarka iyo dhismaha ciidamada, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa iyadoo gobolada dalka laga soo sheegayo abaar baahsan oo dadka iyo duunyada siweyn u saamaysay.

Goobjoog News