U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Midowga Yurub Oo Dhaleeceeyay Qaraxii Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dalka Turkiga iyo midowga Yurub ayaa cambaareeyay weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 40 qof.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in aad u cambaareyneyso weerarrada ay ku tilmaantay argigixisinnimo ee ka dhacay Muqdisho kaas oo dad badan ay ku dhineen.

“Turkiga waxaa uu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo shacabka walaalahood ah ee Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo xasilooni” sidaa waxaa lagu sheegay qoraalka Turkiga.

Dhanka kale midowga Yurub ayaa dhankooda cambaareeyay weerarka Muqdisho iyagoo sheegay in dhacdadan la doonayo in lagu carqaladeeyo dimoqoraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya.

Weerarka Talaadadii ee SYL waxaa sheegatay xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta koofura Soomaaliya.