U bood dhigaalka

Turkiga iyo Qatar oo Cambaareeyay Weerarkii Ceel Baraf

Sheeko:Amniga

Dowladaha Qatar iyo Turkiga oo saaxiib dhow la ah dowladda federalka Soomalaiya ayaa si wadajir ah waxaa ay cambaareeyeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Burindi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe,  waxaana qoraal kasoo baxay  lagu yiri.

“Waxaan tacsi u direynaa dowladda Burundi oo aan walaalo nahay iyo dowladda Soomaaliya, dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaana u rajeyneysaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana barahooda ay ku baahiyeen in askar badan oo Burundi ah ay ku dileen weerarkaas, iyagoo raaciyay in ay jiraan askar ay qabteen.

Goobjoog News