U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Qatar Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirkooda

Sheeko:Dalka

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa qadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan  isaga oo u soo bandhigay xiriirka adag  ee laba geesoodka ah oo ka dhaxeeya labada dal iyo sidii lagu sii xoojin lahaa.

Arrintaani ayaa timid iyada oo lagu wado madaxweynaha Turkiga inuu booqdo todobaadka soo socda wadamada Khaliijka oo ay ka mid yihiin Sacuudiga,Kuwait iyo Qatar, si uu ugu kuur galo dhibaatada wali ka taagan Khaliijka.

Erdogan ayaa horay u diiday sharuudihii dalabka ahaa ee ka soo baxay wadamada go’doomiyay dowladda Qatar.

dowladahaan ayaa waxay ku mar marsiyoonayaan in Dooxa ay maalgaliso  kooxaha Islaamiyiinta ah iyo in ay xiriir la leedahay dowladda Iran.

Booqashada Erdogaan uu ku tagayo wadamada Khaliijka ayaa waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, waxa uuna madaxweynaha u jeedkiisu yahay in la xaliyo khilaafka wali ka aloosan wadamada gobolka.

Goobjoog News