U bood dhigaalka

Turkiga Oo Dowladaha Sacuudiga Iyo Iran Ugu Baaqday Inay Dajiyaan Dhiillada Colaadeed

Sheeko:Dalka

Dowladda  Turkiga ayaa dalalka Sacuudiga iyo Iran ugu baaqday  in ay dajiyaan Dhiillada colaadeed ee Labada wadan soo kala dhex gashay .

Dowladda Turkigu waxa ay sheegtay in khilaafka cusub ee u dhexeeya Labada dal ay uga sii dari doonto xaaladda gobalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa xusay in Bariga Dhexe horayba ay uga jireen dhibaatooyin waa weyn oo ay aheyd in wax laga qabto.

Turkigu waxa uu cambaareeyey weerarkii lagu qaaday safaarada Sacuudigu uu ku leeyhay magalada Tahran, inkastoo Turkigu uu dhinaca kale sheegay dilkii loo geystay hogaamiyihii sare ee shiicada Nimar Al. Nimar ay xaaladda sii murjisay.

Dalka Sacuudiga ayaa jaray cilaaqaadkii kala dhexeeyey dalka Iran Isniintii shalay , waxaana ku biiray arrintaa wadamo Riyad ay saaxiibo yihiin, kuwaas  oo xiriirka u jaray Dowladda Tehran.

Dalka Mareykanka ayaa isna ugu baaqay Labada dal ee Iran iyo Sacuudiga in ay Khilaafka xakameeyaan.

Xaaladda iminka taagan ayaa loo arkaa in ay sii xumeyn doonto xiriirka u dhexeeya Shiicada iyo Sunniyiinta oo horay isgu hayey  dalalka Siiriya, Iraq iyo Yeman , waxaana cabsi laga qabaa in khilaafku uu isku badallo gacan ka hadal.

Dowladda Turkiga ayaa Iran ka dalbatay in ay illaaliso safaaradaha dalkeeda ku yaalla ammaankooda.

“Sacuudiga iyo Iran  waa Laba saaxiib oo aan leenahay mana rabno in ay dagallamaan maxaa yeelay dagaal maahan waxa aan u baahannahay ” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga.

Goobjoog News