Turkiga Oo Gargaar Gaaraya 13,000 tons u Soo Dhiibay Soomaaliya

Dalka Turkiga waxaa axaddii ka soo baxay markab gargaar oo siday 13,000 tons oo cunto ah, Markabka oo ku soo jeeda Soomaaliya waa uu ka soo shiraacday gobolka Mersin ee koonfurta dalkaasi.

Turkiga oo gargaarkan u soo dhiibay dadka ku dhibaateysan abaarta Soomaaliya waxaa kale oo ay sheegeen in arrinta aaney gargaar keliya ku koobneen ee xukuumadda Ankara ay fuliso barnaamijyo ay ku jiraan tababarro military, waxbarasho iyo mashaariic kale. Sidaas waxaa sheegay ra’siul wasaare ku xigeenka Turkiga.

Arrimaha iyo mashaariicda ay Turkiga ka fuliyaan Soomaaliya, waxaa iska kaashado hey’adaha kala ah: Bisha Cas, TIKA iyo AFAD.

Qaramada Midoobey waxaa ay leedahay in ka badan 615,000 oo qof ayaa barakacay 2016-kii halka 40,000 oo caruur ay iska dhaafeen iskuul aadista sababo la xiriira abaarta.

Goobjoog News

Related Articles

21 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW