U bood dhigaalka

Turkiga oo ka carooday fal ay sameysay Sweden!

Sheeko:Amniga

Waxaa markale cirka isku shareeray xiisadda ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Sweden, taas oo salka ku hayso ku biiritaanka Sweden ee gaashaanbuurta NATO.

Isku soo baxyo waawayn oo ka dhacay gudaha dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm ayaa lagu soo bandhigay muuqaallo loo ekeysiiyay madaxweynaha Turkiga Erdogan oo la daldalayo, taas oo sababtay in ay sii laba jibaaranto carada Turkiga.

Turkiga ayaa diidan in ay Sweden ay ku soo biirto gaashaanburta Militeri ee ugu awoodda badan caalamka NATO, taas oo ay Sweden dalbatay in ay soo gasho.

Banaanbaxayada ayaa dadku ku muujinayeen dareenkooda ku aaddan xanibaadda uu Turkiga saaray Sweden ee ku biiritaanka NATO.

Ra’iisulwasaaraha Sweden ayaa dhankiisa sheegay in uu cambaareynayo falka ay ku kaceen muddaharaadayaasha ayaa ka raalli geliyay dowaldda Turkiga.

Turkiga ayaa dhankooda sheegay in aanay ku filneyn cambaareyn falka loo gaystay madaxweynahooda Recep Tayyip Erdoğan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ku eedeeyay iney arrintan ka dambeeyeen xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG oo labaduba ay Ankara ugu yeerto kooxa argagixiso.

Goobjoog News