U bood dhigaalka

Turkiga Oo Ka Horyimid Go’aan Maxkamadda EU ay Ku Mamnuucday Xirashada Xijaabka

Sheeko:Amniga

Dowladda turkiga ayaa cambaareysay go’aanka maxkamadda sare ee midawga yurub ku mamnuucday xirashada xijaabka haweenka ku sugan yurub.

Go’aanka ayaa maxkamadda ay ku sheegtay in ay dhaceen falal amniga liddi ku ah, xilli turkiga uu ku tilmaamay go’aanka maxkamadda mid ka soo horjeeda diinta Islaamka.

Maxkamadda cadaaladda ee EU ee fadhigeedu yahay Luxembourg (CJEU) ayaa shaacisay in ururka guud ee shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xirtaan indho shareerka iyadoo la raacayo shuruudo gaar ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka sii kordhaya xilli ay sheegtay in haweenka muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoorid sii kordheysa oo ku saabsan  diinta ay aaminsan yihiin.

“Go’aanka CJEU, waxa uu muujinaya sida ay u sii kordheyso  Islaam naceybka, cunsuriyada iyo dhaqamada Islaamka, Yurub waa in ay tixgalinsa xoriyada diinta ,” ayay wasaaraddu tiri.

Sikastaba Ankara ayaa marar badan ku eedeysay dowladaha reer Yurub in aysan waxbadan ka qaban ka hortaga takoorka lagu hayo Muslimiinta, iyadoo sheegtay in ay bilaabi doonto soo saarista warbixin sanadle ah oo ay kaga hadlayso waxa ay ugu yeertay tusaalooyinka Islaam nacaybka ee dunida.

Goobjoog News