U bood dhigaalka

Turkiga Oo Ka Qeybqaadanaya Dib u Dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Xubno kala matalayay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa kulan ballaaran oo ay ku yeesheen dalka Turkiga waxay uga hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarada xagga difaaca ee ciidamada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan xubno wasaaraddiisa la shaqeeya ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dalkaasi.

Mas’uuliyiintaan ayaa diiradda ku saaray kulankoodaan arrimo muhiim u ah xiriirka Labada dhinac, waxaana lasoo hadal qaaday sidii wasaaradda difaaca Turkiga ay gacan uga geysan lahayd dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo xoojinta ammaanka xeebaha dalka.

Labada Mas’uul ayaa isku raacay in la dhiso ciidanka badda Soomaaliya lana dhameystiro qalabkooda.

Wasiir Cabdalla ayaa sheegay in wasaaradda difaaca Turkiga ay kala hadleen tababarada ciidamada xoogga dalka iyo in ay ka taageeraan dib usoo nooleynta hantidii uu lahaa ciidanka xoogga dalka, sida warashadihii ciidanka.

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga ayaa isna dhankiisa ballan qaaday in gacan ka geysan doonaan dadaallada wasaaradda gaashaandhiga Soomaalia ugu jirto dib usoo nooleynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa horay u ballan qaaday in Soomaaliya uu ka taageerayo dib u dhiska ciidamada iyo qalabeyntooda, waxaana Turkiga ka mid yahay dalalka sida tooska ah u caawiya dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News