U bood dhigaalka

Turkiga oo ka taageeraya Soomaaliya dhismaha ciidanka

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in tababar dheeraad ah ay siin doonto ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ammaanka dalka.

Hadalkan ayaa yimid markii magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga uu kulan maanta ku dhax maraya wasiirada difaaca Soomaaliya iyo Turkiga Maxamed Shiikh Xasan Xaamud iyo Ismet Yilmaz.

Cabdinuur Cabdi Kediye oo ka mid ah howl wadeenada Safaarada Soomaalida ee ku taalla Turkiga ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay taabi gali doonaan qodobada ay ka wada hadleen labada masuul.

Wasiirka gaashaan dhiga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhigiisa kala hadlo arimo la xiriira ammaanka dalka.

Waxa uu booqday Xaamud intii uu ku sugnaa Turkiga goobo taariikhi ah iyo xarunta difaaca ciidamada ee dalkaas.

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wasiirada gaashaadhiga Soomaaliya ee xukuumadii Saacid iyo tan Cabdiweli ayaa intaba horay u booqday dalkaas, iyagoo daneynaya iskaashi xaga difaaca ah oo dhex mara dalalka Turkiga iyo Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa la saxiixatay Soomaaliya heshiisyo badan oo ku saabsan dhanka gaashaadhigga, taas oo soo celin karta awoodii ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo aan tababar iyo agab fiican helin mudadii dagaalada sokeeye.