U bood dhigaalka

Muqdisho oo laga Hirgelinayo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Ugu Weyn Bariga Afrika

Sheeko:Dalka

Afar Sano ka hor waxay aheyd Meel Qashinka lagu qabo, Intii aan lagu billaabin dhismaha Isbitaalka waxaa laga daabulay 10,000 oo tan oo qashin ah.

Isbitaalka ugu weyn bariga Afrika oo lagu qaabilayo Hooyada iyo dhallaanka ayaa dhismihiisu ka socdaa Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Isbitaalka dhismo ahaan ku fadhiyaa 7,000 oo dhinac kaste ah  iyadoo guud ahaan dhulka uu heystana yahay 45,000 mitir oo dhinac kaste ah.

Waxa uu qorshuhu yahay in Dhulka intiisa kale laga dhiso kuliyad caafimaad, xarrun carruurta agoonta ah lagu xanaaneeyo Masaajid lagu cibaadeysto iyo meelo lagu nasto.

Dhismaha cusbitaalka waxa uu ka kooban yahay qeyb la seexiyo haweenka iyo carruurta xannuunsan, qeyb lagu xannaaneeyo caruurta ku dhasha bila-dhimanka, qeyb lagu qaabilo bukaan socodka iyo qeyb jiif u noqoneysa dhaqaatiirta wadamada kale ka yimaada.

Ugu yaraan Maalintii waxaa uu Isbitaalka qaabili doonaa Shan Boqol (500) oo bukaan iyadoo la seexin karo 100 ruux oo haween iyo carruur isugu jira.

Hey’adda Yerdimeli ee Turkishka ah ayaa wadda dhismaha Isbitaalka oo heer gebo gebo ah ku dhow.

Maxamed Caakif oo ah xiriiriyaha Hay’adda Yerdimeli ayaan kala sheekeystay dhismaha Isbitaalka oo ah kan ugu weyn bariga afrika iyo sida la qorsheynayo in looga faa’ideeyo Bulshada Soomaaliyeed.

“Markii aan dib u milicsannay warbixintii Qaramada Midoobay ee qeexeysay in kunkii canugba ay dhimanayaan 188 ka mid ah ayaan ka xanuunsannay arrintaas waxaana go’aansannay in aan dhisno Isbitaalka oo noqonaya kan ugu wey uguna tayada fiicnaan doona bariga Afrika islamarkaana lagu qaabili doono hooyada iyo dhallaanka”

Maxamed Caakif ayaanu weydiinnay su’aal ahayd “muxuu yahay qorshaha dhinaca qarashka ee qofka bukaanka wax loogu qabanayo marka la dhameystiro dhismaha isbitaalka”

 “Qeyb waa lacag Qeybta kalena waa Lacag La’aan, waxaan ula jeedaa dadka baahidooda ayaan si dhab ah isugu deyeynaa inaan u ogaanno ka dibna lacag aan sidaas u buurneyn ayaan dadka ka qaadeynaa, waxaa sidaas loo yeelayaa haddii wax walba ay lacag la’aan noqdaa xitaa waxaa faraha ka bixi kara koontaroolka shaqada, waxaanu la tashi kala sameynay arrinta qeybaha bulshada oo xitaa wasiiro ay ku jiraan waxayna nagula taliyeen in aan adeegga caafimaadka ee cusbitaalka 100% lacag la’aan laga wada dhigin oo khidmad ay dadku bixin karaan laga dhigo, waana qaadannay talooyinkaas”

Hadda waxaa jira cusbitaallo ay dayactireen qaar ka mid ah hey’adaha Turkiga dadka soo booqanaya cusbitaaladaasi waxaa iridka hore looga qaadaa lacago ay gudaha ku galaan, hadaba Maxamed Caakif ayaan weydiiyey “adinkuna ma qorsheyneysaan inaad sidaas sameysaan?”.

 “Isbitaaladaas dib loo dayactiray runtii wax badan ayaan ka barannay wax badan ayaa nooga kordhay, marka waxyaabahan aad idinku hadda sheegeysaan waa wax jira oo kuwo aan anaguna aragnay ah, mana yeeleyno in arrimaas oo kale ay ka dhacaan isbitaalkan, waxaan Koontaroolli doonnaa shaqaalaheena bannaanka noo qaabilsanaan doona iyo maamulka guud, iyadoo ay jiri karaan shaqsiyaad iskood wax u maleega, laakiin annagu ma aqbali doonno, waxaan dooneynaa inaan ka fogaanno waxaas foosha xun, si aan uga hortagnana waxaan si dhow ula socon doonnaa shaqaalaheena bannaanka dadka ka sii deynaya iyo kuwa dadka soo gudbinaya intaba”

Meesha Isbitaalka laga dhisayo waa meel si uga yara go’an magaalada inteeda kale ciidamo ayaa meelaha qaar taag-taagan, maxaa lagu dooray in halkan laga dhiso ayaan weydiiyey.

 “Waan Dareensannahay in deegaanka aan ku jirno uu yahay deegaan noocaas ah, laakiin waxaan rajeyneynaa in xaaladda dalka oo idil ay hagaagi doonto, Soomaaliya waligeed sidaan masii ahaan doonto, waxaad xisaabta ku darsataa in isbitaalkaan uu yahay kan ugu ballaaran uguna tayada fiican gobolka oo dhan, sidaas daraadeed wixii caqabad loo arko waxaan kala kaashan doonnaa dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda caafimaadka, wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhinacyada ay markaasi quseyso mar kalena waan kuugu celinayaa Soomaaliya dagaal joogto ah kuma sii jiri doonto, xaalku wuu samaan doonaa bukaanaduna si wacan ayaa lagu qaabili doonaa”

Sanad kasta kumanaan carruur iyo haween ah ayaa dalka ugu geeriyoota sababo la xiriira adeegyada caafimaad oo yar ama qarash ahaan qaali ah, meelaha qaarna maba laha goobo caafimaad oo dadka ku filan.

Haddii la hirgeliyo isbitaalkaan ay hadda waddo dhismihiisa hay’adda Yerdimeli ee Turkiga waxay noqon doontaa mid ka mid ah tallaabooyinka horumarka leh ee dhinaca caafimaadka la qaaday.

Hoos ka daawo sawirada

IMG_0852 IMG_0853

IMG_0862 IMG_0864

IMG_0873 IMG_0885

IMG_0899 IMG_0904

IMG_0971 IMG_1018

IMG_1019 IMG_1029

W/D: Aweys Aar

Goobjoog News