U bood dhigaalka

Turkiga oo Sanad ugu Daray Ciidamadiisa Ilaaliya Xeebaha Soomaaliya ee Ladagaalanka Burcad-badeedda

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka Turkiga wuxuu ansixiyay talaadadii shalay ahayd xeer madaxweyne oo ku aadan kordhinta howlgalka ciidamada badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed, Badda Carbeed iyo biyo-badeedka Soomaaliya muddo hal sano ah.

Xeerkan ayaa tilmaamaya in ciidamada badda ee Turkiga ee ka howlgalaya meelaha aan soo sheegnay ay si firfircoon ula wareegeen xaqiijinta amniga maraakiibta ganacsi ee sita calanka Turkiga ama xiriirka la leh Turkiga.

Waxay sidoo kale tilmaamay kaqeybgalka ciidamadan, howlgalada wadajirka ah ee beesha caalamka ee ka dhanka ah falalka burcad badeednimada, dhaca hubeysan iyo argagaxisada badaha.

Xeerka waxaa lagu muujiyey in howlgalka ciidamada badda ee ka howlgalaya deegannadaas markii ugu dambeysay uu Baarlamaanku mudada kordhiyay Febraayo 5, 2020 muddo sanad ah.

Marka la eego ansixinta baarlamaanka ee hadda, howlgalka ciidamada ka howlgala gobollada aan soo sheegnay waxaa la kordhiyay illaa iyo 10-ka bisha Febraayo 2022.

Waxay sidoo kale ciidmadani sii wadi doonaan fulinta howlaha loo igmaday iyadoo la waafajinayo qaraarada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee laxiriira, iyo sidoo kale inay gacan ka geystaan howlgalada beesha caalamka ee ka dhanka ah argagixisada badaha ee ka baxsan biyaha xuduudaha wadamada gobolka, sida ku xusan xeerka.

Ciidamada Turkiga ayaa qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo ay golaha ammaanka asnixiyeen oo lagula dagaalayo burcad badeedda ku sugan Gacanka Cadmeed, Badda Carbeed iyo biyo-badeedka Soomaaliya, waa hawlgal ay ku jiraan dalal badan oo caalamka ah iyo midowga Yurub, waxaa uuna soo bilowday 2009-kii.

Goobjoog News