U bood dhigaalka

Turkiga Oo Shaaciyay Waqtiga Ay Magaalada Muqdisho Ka Billaabayaan Dhismaha 10-kun Oo Guri

Sheeko:Dalka

Mas’uul sare oo u hadlay wasaaradda arrimmaha dibadda dalka Turkiga ayaa sheegay in dowladda Turkiga weli ay ka go’an tahay iney fuliyaan ballanqaadkii Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan uu sameeyay markii uu magaalada Muqdisho soo booqday sanadkii 2015, xilligaasi oo uu ballan qaaday in dadka dan yarta ah u dhisayo guryo gaaraya 10 kun si bilicda magaalada iyo nolosheeda ay kor ugu qaadanto.

Ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Cali Kamal Aydin ayaa u sheegay Goobjoog News in si dhaqsi leh ay ku billaabi doonaan dhismaha guryahaasi doorashada August ee la filayo dalka inay ka dhacdo kadib.

Aydin ayaa sheegay in dhisidda mashruucaasi aanu ahayn wax fudud inta aysan billaabinna ay u baahan yihiin inay helaan damaanad qaab sharci ah oo laga helo dhanka dowladda Soomaaliya, maadaama mashruucani uu la xiriiro in dhul la gado si loogu intifaacsado waqti dheer, taasoo keentay in la hirgeliyo doorashada kadib si madaxda la doorto ay go’aankaas goobjoog uga ahaadaan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa horay u sheegay in 10-kun oo guri ay ku dhisayaan sanad ama Labo sano gudahooda taas oo dad badan oo Soomaaliyeed u riyaaqeen.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa Mr Aydin waxay wax ka weydiisay arrimaha la xiriira xilliga ay dib u billaabayso diyaaradda Turkisha Airline oo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay si dhaqsi ah ay dib ugu billaabi doonaan duulimaadyadaasi.

Waxa uu tilmaamay in markii ay helaan xogo la xiriira in garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ammaan yahay ay dib u billaabi doonto Turkish Airline shaqadadeed, kana war sugayaan mas’uuliyiin xagga amniga qaabilsan oo muqdisho ku sugan.

“Waxaan ku qasbannahay inaan hubinno amniga Garoonka Muqdisho iyo hareerihiisa, qatarna ma gelin karno nolosha dad aan waxbo galabsan” ayuu yiri Cali Kamal Aydin.

Turkisha Airline ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in xilli habeen ah ay garoonka Aadan Cadde Doomo kusoo weerareen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, inkastoo ciidamada AMISOM ay sheegeen inay dib u baacsadeen raggii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgelisay mid ka mid ah safaaradaheeda ugu weyn dunida taas oo ku fadhisa 80 kun Mitir oo Isku Jibbaaran.

W/D: Axmed Weli Xuseen

Tifaftiraha Goobjoog Fm