U bood dhigaalka

Turkiga Oo Sheegay In Soomaaliya Uu Ku Wareejiyay Saldhig Militeri

Sheeko:Amniga

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku warejisay xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Soomaaliya lagu wareejiyay xarun tababar oo uu dhisay turkiga taas oo ku taalla Muqdisho .

Xiriirka ka dhexeeya Xukuumadda Ankara  iyo waddanka Geeska Afrika ayaa 10-ki sano ee la soo dhaafay ahaa mid kor u kacayay  kadib booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sanadkii 2011, taasoo ka dhigaysa inuu yahay hoggaamiyaha kaliya ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.

Iskaashiga dhanka  militariga ka sokow, Muqdisho iyo Ankara  waxay sidoo kale iska kaashadaan caafimaadka, waxbarashada, iyo dadaallada kale.

Turkiga wuxuu dhisay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga.