U bood dhigaalka

Turkiga Oo Soo Celinaya Xiriirka Uu La Leeyahay Boqortooyada Hollanad

Sheeko:Dalka

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in uu dib-u-soo-celin-doono xiriirkii kala dhaxeeyay boqortooyada Holland kadib markii dalka dambe uu xiriirkii diblomaasiyadeed jaray.

Turkiga dhankooda waxaa sheegayaan in Holland aaney wax cusub sameyn marka laga reebo in ay celisay safiir aan horay dalka u joogin, xiriirka diblomaasiyadeedna uu sidiisii yahay.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga waxaa lagu sheegay in Natherlands ay xilli hore ay kala baxday Turkiga Safiirkii u fadhiyey, waxayna wasaaraddu sheegtay in arrinkaasi  aysan jecleysan Ankara.

Labada dal, waa uu khilaafkooda bilowday bishii Maarso ee sanadkii hore, Turkiga ayaa waxa uu doonayaa inuu sidii hore ku soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay Natherlands.

Sidoo kale Turkiga ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaaday Natherlandsa taasi oo ahaa in safiirka Turkiga u fadhiyo uu fasaxa ku maqnaa ka dibna ay shaacisay in uusan soo laabaneynin.

Goobjoog News