Turkiga: Sacuudiga Waxaa Uu Qeyb Ka Yahay Mushkiladda, Halka Boqor Salmaan Uu qeyb ka yahay Xal-doonka

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa la sheegayaa in jimcihii uu booqasho ku tagay dalka Sacuudiga si uu u dhex-dhexaadiyo dalalka Sacuudiga iyo Qatar.

Cavusoglu iyo Boqor Salmaan ayaa ku wada hadlay magaalada barakeysan ee Makka, ilo ku dhaw kulanka waxaa ay sheegeen in uu wada hadalka u dhacay si wanaagsan.

“In kasta oo Sacuudiga uu qeyb ka yahay mushkiladda hadana Boqor Salmaan waxaa uu qeyb ka yahay xal doonka” sidaa waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa go’doominta Qatar ku tilmaamay mid ka baxsan banii’aadnimada iyo Islaamnimada.

Turkiga ayaa ku soo biiray u kala dab-qaadista Sacuudiga iyo Qatar, waxaa horay u fashilmay dhex-dhexaadin ay wadeen Kuwait iyo Pakistaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW