Turkiga: Xaflad Aroos Oo Isku Badashay Tacsi Iyo Kala Carar

Qaraxa oo ka dhacay goob aroos ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen  in ka badan 30 qof  halka 90 kale ay ku dhaawacmeen, dhibaatadan waa tii ugu xumeyd ee todobaadyo dalkaas ka dhacda.

Qaraxan oo ka dhacay magaalada Gaziantep oo ah magaalo dhacda xadka Turkiga iyo Xalab ayey wakaaladaha wararka sheegayaan in uu isku qarxiyay qof meesha joogay.

Wakaaladda Anadolul waxaa ay sheegeysaa in dowladda Turkiga ay sheegeen in weerarkan uu ahaa mid argigixiso, cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarka.

ISIS ayaa fara ba’an ku heyso Turkiga, 44 qof ayaa ku dhimatay madaarka Istanbul Ataturk Airport halka bishii March ay 40 qof ku dhinteen Ankara.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW