U bood dhigaalka

Turkish Airline Oo Muqdisho Keensatay Ciidamo Gaar Ah, Sheegtayna In Ay Billaabeyso Duulimaadyadeedii

Sheeko:Dalka

Diyaarad Xamuul Turkish Airline islamarkaana sidda ciidamo amni ayaa maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan waxaa la socda Eeyo u tababaran xagga amniga iyo qalab kale oo loogu tala galay in lagu sugo amniga qeybta ay garoonka ku lahaan doonto Diyaaradda Turkish Airline.

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in Hey’adda Turkish Airline ay dib u billaabeyso duulimaadkeeda Muqdisho 20-ka bishan.

Diyaaradda Turkish Airline ayaa duulimaadyadii Muqdisho joojisay wixii ka dambeeyay qaraxii lala eegtay diyaaradda Daallo 2-dii Febraury 2016.

Ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Cali Kamal Aydin oo dhamaadka bishii April 2016 wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in degd eg ay ku shaqo billaabi doonto diyaaradda Turkish Airline.

Goobjoog News