U bood dhigaalka

Turkiya oo ka qayb qaadanaya dhisida laamaha Garsoorka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka caddaalada iyo kan turkigaSii Hayaha wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fadaraalka ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa booqasha ku jooga maalmahan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiya, ka dib markuu ka helay casuumaad rasmi ah dhigiisa Xukuumadda Turkeya Mudane Bekir Bozda.

Waxaa booqashadan ku weheliyay wasiirka ,Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda iyo lataliyaal dhinaca sharciyada.
Booqashadan oo qaadanaysa sadax maalmood waxay labada dhinac ka wada hadli doonaan xiriirka labada wasaaradood iyo in Wasaaradda Cadaaladda Turkigu ay ka qayb qaadato dhismaha laamaha Garsoorka Somaaliya.
Wuxuu wafdigu booqan doonaa laamaha kala duwan ee garsoorka dalka Turkiya sida Golaha garsoorka, maxkamadaha. Xeer ilaalinta, kuliyada wasaaradda cadaaladda, iyo kuwa kale.
Wasiir Faarax sheekh Cabdiqaadir ayaa dadaal dheer ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeega laamaha garsoorka heer fadaraal iyo mid degmooyinba, iyo waliba dayacrirka xarumaha Garsoorka, tayanta shaqaalaha.
Waxaa xusid mudan in dawlada Turkiya ay ka qayb qaadanayso dibu dhiska dalka, sida dayactirida xarumaha dawladda, waddooyinka iyo bixinta deeqo wax barasho.

Goobjoog News