U bood dhigaalka

Tuulada Ciyaaraha oo marti gelinaysa fantisyaha guusha xilka qaranka Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo wajahan xulka kubadda cagta Soomaaliya ee 17-sano jirada, kuwaas ee dhawaan ku soo guulaystay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 17-sano jirada.

Soomaaliya oo koobkaan markii ugu horeysay ku guulaysatay, ayaa waxaa ciyaaryahannada sanadkaan matalayay qaranka ay  dhigeen bog cusub oo furay guullo dhanka kubadda cagta ah.

Koobkaan ayaa maanta laga soo dejinaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, waxaana lagu wadaa in maanta fantisyo iyo isku soo baxyo waawyn ay ka dhacaan caasimadda.

Tuulada ciyaaraha dalka ee Muqdisho Stadium, ayaa lagu balamiyay shacabka Soomaaliyeed, halkaas oo loo galbinayo ciyaaryahannada guusha keenay iyo macalimiinta, waxaana sidoo kale lagu wadaa in fantisyaha ay ka soo qaybgalaan madaxda ugu sareyso dalka.

Goobjoog News