U bood dhigaalka

Tuuryare “Amniga Magaalada Muqdisho Waxaa Mas’uul Ka Ah Maamulka Gobolka Banaadir”

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayey amniga guud ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa yeeshay talisyada ciidanka Nabad sugidda, kan Booliiska ee gobalka Banaadir iyo maamulka gobalka iyadoo uu goobjoog ka ahaa taliyaha hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya, ayaa diiradda waxaa lagu saaray arrimo badan oo la xiriira sidii loo sugi lahaa ammaanka Muqdisho.

Kulankaan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay taliyaha hay’adda nabad sugidda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare isaga oo faah faahin dheer ka bixiyay qaabka loo sugi lahaa amniga magaalada iyo waxyaabihii shirkaasi kasoo baxay.

Ugu horeen ayuu sheegay in kulankaan lagu go’aamiyay in maamulka gobalka Banaadir uu mas’uul ka noqonayo sugidda amniga guud ee magaalada islamarkaana kulankoodaan uu wax badan ka bedalayo ammaanka gobolka Banaadir.

“Waxaan rabaa inaan la hadlo maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adihiisa amniga, magaaladaan amnigeeda cidna haku haleynina, adduunka kale magaalooyinka amnigooda waxaa ka mas’uul ah dadka maamulka ka ah iyo hay’adaha amniga ee raacsan, adduunka qaabka amniga loo sugo magaalooyinka in hadda kadib loo sugo, waxaa kala maqnaa xogtii iyo awooddii iyo maamulkii oo shacabka ku xiran, shirkaan ama kulankaan waxa uu ahaa in la’isku xiro kii xogta hayey oo nabad sugidda ahaa, kii hayey awoodda oo Booliiska ah, maamulka degmada oo shacabka ku xirnaa markii ay wada kulmaan oo guddiga amniga ee degmada uu sameysmo, guddiga amniga Laanta uu sameysmo weyna sameysan yihiin kuwaas ayaa hadda kadib lagula xisaabtami doonaan, waxaan leenahay maamulka gobolka Banaadir annaga waxaan u joognaa inaan idin caawinno, inaan ciidamada idiin tababarno, inaan idiin qalabeyno, inaan idiin dhiiri gelinno, inaan siyaasaadka uga baahan tihiin amni ee dowladda ah aan qoraallo ka qorno oo wasaaradda amniga illaa golaha wasiirada idiin geyno, laakiinse xaafadda Buulo xuubey, Cali Boolaay amnigeeda waxaa ka mas’uul ah degmada, laanta, kulamada meeshaan waxaa kasoo baxay degmadii hadda kadib wax ka dhacaan mas’uuliyad bay yeelan doontaa, waxaa wax laga weydiin doonaa gudoomiyaha degmada iyo Labadii talis ee hoostaga, waxaa wax laga weydiin doonaa Laanta iyo waaxda, wax iska furan ma jiri doonaan, dadaalki la waday baa la nidaaminayaa, shaqo badan baa horay loo soo qabtay shaqo badanna wey socotaa, laakiinse markii saldhiggu saxan yahay meesha laga amba qaadanayo ama cagsaarta waxa la yiraahdo markii ay saxan tahay wey adkeysan karaan shacabka, in maalin dhibkaan dhamaanayo ayeey ku sabri karaan, laakiinse markii saldhiggu aanu saxsaneen oo wax walba soo noqdaan, la fariisto mar walbo oo ay wax dhacaan oo aan dhahno maxay u dhacaan oo aan is canaanno waxba ma sameynayo, kulankii caawa dhacay madaxdii wey ka warqabtaa, ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka amniga waa uu ka warqabaa, wixii ka dambeeya Todobaakaan maamulka gobolka Banaadir waxay inoo sheegeen in ay sameyn doonaan wax badan oo dhaq dhaqaaq ah, waxaan leenahay shacabka yuusan niyad jabin, taliye Booliis iyo taliye Nabad sugid hadda kadib waxay raacdeysan doonaan cadowga, waxay aadi doonaan meelaha ay cadowga wadanka uga harsan yihiin, waxaan dhisi doonnaa maamullada kale saldhigyadooda, ciidamada aan bannaanka ugu tala galnay ayaan howlgelin donnaa, Milatariga baan la shaqeyn donnaa, magaaladaan dadkeedii baa ka shaqeyn doona, shaqada wey kala saarnaan doontaan, annaga waxaa nala soo weydiisan doonaa caawin” “ ayuu yiri Taliye Tuuruyare.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan go’aanno kale oo kulankaasi lagu gaaray hase ahaatee aysan mudneyn in warbaahinta laga sheego, balse waxa uu ku booriyay maamulka gobalka Banaadir inay u istaagaan hanashada iyo wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho.

Arrintani ayaa imaaneyso xilli habeen kahor weeraro qaraxyo iyo toos ah ay Al-shabaab ku qaadeen hotelka SYL oo ku dheggan taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News