U bood dhigaalka

UCID iyo WADANI: Dib Ayaan U Dhignay Banaabixii

Sheeko:Amniga

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADANI ayaa sheegay in ay dib u dhigeen banaanbax ay soo abaabuleen oo maanta lagu balan sanaa in uu ka dhaco magaalada Hargeysa.

Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday xukuumadda madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ay hoggaanka xisbiyada ku eedeeyn in uu qorsheynayo mudda kororsi.

Xirsi Cali Xasan guddoomiyaha xisbiga WADANI iyo Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in ay dib u dhigeen banaanbaxa sababa la xiriira in ay kulama la qaadanayaan ergo dhaxdhaxaad ah oo isku xilqaantay xallinta xiisad muddooyinkii la soo dhaafay ka taagneyd Somaliland.

“Inta muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno mudaharaadka, laakiin waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhexdhexaadinayay ay naga codsadeen maalmo kooban in aanu hakino mudaharaadka sidaa darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada.”ayuu yiri gudoomuiye Xirsi.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in banaanbax ay u joojiyeen kadib markii wadahadalo ay la soo sameeyeen xubnaha Ergooyin ah.

“Waxaa nala soo hadlay Dadka naca caawin jiray Doorashada ee ajnabiga ah, oo waxa ay naga codsadeen in aan mudaharaadka hakino si loo arko Dadka wax diidan, sidoo kale Sabtida waxaa billaabanaya Imtixaannada Dugsiga sare haddii aan ka qash-qashno soo inkaar naguma dhaceyso, waynu iska qabaneynaa haddii ay caqli yeelan waayaan, Shacabka waxa aan leenahay naga raalli ahaada innaga oo aan waxba idiin qaban oo waddo idiin dhisin muddo ku dhaw 5 sano oo aan biyo idin siin” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Sikastaba muddooyinkii la soo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa ka taagna xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso xisbiyada mucaaradka UCID iyo Wadani oo isku dhinac ah iyo xisbiga talada hayo ee KULMIYE.

Goobjoog News