U bood dhigaalka

Ugaas C/laahi Waamo “Waxbo Masoo Kordhin Doonto Magacaabista Ku Xigeennada Madaxweynaha Jubbaland”

Sheeko:Dalka

Ugaas C/laahi Waamo oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in aanay jirin wax ay soo kordhin doonto magacaabistee shalay madaxweyne Axmed Madoobe ku magacaabay ku xigeennadiisa.

Waxa uu sheegay Ugaaska oo la hadlayey Goobjoog News in kaliya la isku bedalay Laba shaqsi oo ilmo adeer ah, islamarkaana aysan taasi meesha ka saari karin dhaliilaha loo hayo Jubbaland.

“Wax is bedal oo hadda jiraa malahan, ninkaan Maxamuud Sayid Aadan waxaa lagu bedalay Fartaag oo ay Ilmo adeerro ahaayeen, marka wax micno ku fadhiya ma ahan, waana wax shaqsiyaad ay wataan” ayuu yiri Ugaaska.

Waxa uu tilmaamay Ugaas C/laahi Waamo in maamulka Jubbaland inta uu jiray aanu qaban wax muuqda, waxaana uu tilmaamay kaliya inay mashquul ku ahaayeen dhanka dowladda Federaalka iyo hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay waxa uu magacaabay Labadiisa ku xigeen, waxaana soo laabtay ku xigeenkiisa 2-aad halka midka 1-aad uu u magacaabay Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ahaa siyasiyiintii aadka u dhaliilsanaa siyaasadda Jubbaland.

Goobjoog News