U bood dhigaalka

Ugaas Maxamed Bashiir “Hala Daayo Farogelinta Lagu Hayo Duubabka 135-ka Ah”

Sheeko:Dalka

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo kamid ah 135 duub ee soo xulay ergooyinka dooranaya xildhibaannada aqalka hoose ayaa Goobjoog u sheegay in Ugaasyada qaar awoodahooda hoos loo dhigey.

Wuxuu sheegay in magaalooyinka qaar ee doorashooyinka ka socda ay joogaaan siyaasiyiin qarash badan wata iyo nabadoonno gaar ah oo iyaga u ololeynaya, taasi oo uu tilmaamey iney sabab u noqotay in si wanaagsan aaney u qabsoomin doorashooyinka.

Ugaaska ayaa u digey dadka faraha kula jira howshii Ugaasyada, waxaana uu ugu baaqey in xasiloonida dalka ilaaliyaan iyo sidoo kale iney qeyb ka noqdaan doorashooyin xalaal ah oo dalka ka dhaca.

“Waxaa jira caqabado badan, Ugaas awooddii uu lahaa oo waliba kamid ah 135 duub ay xakameeyaan nabadoonada u xaglinaya shaqsiyaad raadinaya xildhibaanno, waxaa jirta Ugaasyo badan oo la hareer marey, qaarkood cadaadis badan baa la saarey, qaarkoodna si kuraasta ay mas’uulka ka yihiin u badbaadiyaan waxay u wakiisheen nabadoono, tusaale kale aniga 5 kursi baan wakiil ka ahaa, mid kamid ah awoodiisa in lala wareego baa la isku dayey, waxaa la doonayaa in la jahwareeriyo shaqada duubabka 135-ka ah, waxaan uga digeynaa dadka waxaan wada iney sharciga ilaaliyaan” ayuu yiri Ugaas Maxamed Bashiir.

Doorashooyinka aqalka hoose ayaa ka socota magaalooyinka Jowhar, Baydhabo, Cadaado, Kismaayo iyo Garoowe, waxaana jira waxgarad dhowr ah oo sidan oo kale cabasho uga muujiyey farogelin lagu sameeyey howlahooda shaqo.

Goobjoog News