U bood dhigaalka

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Maanta Lagu Caleema Saarayo B/weyne

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu caleemo saaro Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Magaalada Beledweyne waxaa gaaray Odayaa dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno ka socda Labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka guud ee magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana mashquul badan laga dareemayaa Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo mas’uuliyiin kala duwan ka degayaan.

Ugaas Xasan ayaa xilkaan ka bedelay walaalkiis Ugaas Khaliif oo sanadkan billowgiisa ku geeriyooday magaalada Beledweyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News