U bood dhigaalka

Ugaasyo Iyo Siyaasiyiin Ku Sugan B/weyne Oo Xoojiyey Diidmada Shirka Ka Furmay Jowhar

Sheeko:Dalka

Ugaasyo iyo Siyaasiyiin ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa qaadacay furitaanka wejiga Labaad ee Shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Kullan ay isugu yimaadeen xubnahan ayaa waxay sheegeen in iyagu aysan diidaneen gobolka Shabellaha dhexe balse ay diidan yihiin shirka Jowhar.

Mid ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Waxaan cadeynaynaa in aan annagu diidaneen Shabellaha dhexe ama Jowhar, laakiinse waxaan diidannahay shirka ka furmay magaalada Jowhar, waxaa la rabaa dadka deggan Shabellaha dhexe in la yiraahdo reer Hiiraan idinka ayeey idiin diidan yihiin”

Qaar kale oo ka mid ah waxgaradkan oo kullankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay taageerto shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda magaalada Baladweyne.

Magaalada Jowhar waxaa ka socda shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha dhexe iyo Hiiraan, waxaana shirkaasi ka qeybgalaya inta badan beelaha deggan gobolladaasi.

Goobjoog News