U bood dhigaalka

Uganda: 2,000 Oo Kale Oo Ciidan Nabad Ilaalin Ah U Soo Dirtay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dalka Uganda ayaa ciidamo horleh oo nabad ilaalin ah u soo diray Soomaaliya kuwaas oo qeyb ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ciidamadan waxaa Jimcihii loo sameeyay xaflad sagootin ah uu ka qeyb galay Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Uganda David Muhoozi.

Waxaa kale oo goobta joogay Taliyaha ciidamada dhulka Major-General Peter Elwelu iyo afhayeenka ciidanka Brigadier Richard Karemire iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamadan oo aad u tababaran ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Goobjoog News