U bood dhigaalka

Uganda: “Laba Askari Ayaa Naga La Diley”

Sheeko:Amniga

Askarta ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey magaalada Marka kahor booqashadii Madaxweyne Farmaajo 14-kii bishan October 2018-ka.

Wuxuu sheegay in laba askari oo u dhashay dalka Uganda in ay ku geeriyoodeen weerar Alshabaab ku qaaday magaalada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka millateriga Uganda ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhowr askari oo weerarkaasi ku dhaawacmay.

“Waxa aan kuu xaqiijinayaa in weerar gaadmo ah oo lagu qaadey ciidamadeenna ku sugan Marko lagu dilay labo Askari, waxaa sidoo kale jira dhowr askari oo dhaawac soo gaarey” ayuu yiri Akiiki.

Intaas wuxuu ku daray “Waxaan ka sugaynaa howlgalka AMISOM ee Muqdisho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan askarta la dilay iyo kuwa dhaawacmay, si aan ugu wargelinno qoysaskooda” Akiiki baa yiri sidaasi.

Dowladda Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee ciidamo usoo diray Soomaaliya bishii March, 2007, waxaana ka jooga Askar lagu qiyaasay 6,500 kuwaasoo qeyb ka ah 22,000 oo Askari oo AMISOM ka kooban.

Goobjoog News