U bood dhigaalka

Uganda oo Beenisay Iney Dileen 189 Al-shabaab ah

Sheeko:Amniga

Safiirka Uganda u fadhiga Qaramada Midoobey ayaa beeniyey in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay dileen ilaa 189 ka tirsan Al-shabaab.

Adonia Ayebare ayaa sheegay in warka sheegaya in UPDF ay dileen 189 uu yahay been-abuur isagana uu arrinkaas ka xaqiijiyey hoggaanka sare ee ciidanka isaga oo intaa raaciyey in warku markii horeba aanu aheyn rasmi.

Todobaadkan ayey aheyd markii la baahiyey warar sheegaya in ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ee jooga Soomaaliya ay dileen 189 ka tirsan Al-shabaab.

Qirashada Uganda ee ah inuu warkaasi been ahaa, isla markaana aaney dilin wax Al-shabaab ayaa dadka falanqeeya amniga waxaa ay u arkaan mid geesinnimo leh oo ay tahay in lagu deydo.

Goobjoog News