U bood dhigaalka

Uganda Oo Ciidamo Booliiska Ah Keentay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa ciidamo ka socda dalkeeda oo boliis ah keentay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka mid noqonaya hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ciidamadan cusub ee la keenay Soomaaliya ee ka socda boliiska dalka Uganda ayaa yimid shalay waxayna noqonayaan kuwa ku shaqeeya awaamiirta madaxda sare ee boliiska dalka Uganda sida uu sheegay Thomas Kamugisha.

Ciidmadan boliiska ah ayaa bedel u noqonaya kuwa kale oo dalka joogay muddo sanad ah iyadoo dowladda Uganda ay ka mid tahay waddamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya ee hoos yimaada hawlgalka AMISOM.

Munaasabadda  lagu kala wareejinayo ciidamada  oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyeyaasha sar-sare ee ciidamada boliiska Uganda kuwaasoo ku hawlgala magaca AMISOM.

Kamugisha oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya la keenay ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya islamarkaana horumar loo gaarsiin lahaa isagoo ka codsaday asxaabtiisa inay kala shaqeeyaan fulinta hawlaga lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Christine Alalo, oo isna ah taliye ku xigeenka ciidamada Uganda ee ka mid ka ah AMISOM ayaa ka dhawaajiyey in ciidamadan dhawaan la keenay ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan fulinta waajibaadka saaran.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay ka soo baxayso dagaal una baahan tahay in laga taageero horumarinta boliiska dalka wuxuu sheegay in militariga markii ay meel qabtaan waa in lagu wareejiyaa boliiska islamarkaana waa inay si dhaw ula shaqeeyaan boliiska Soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan boliiska ayaa haysta ogolaansho tilmaamaya inay siiyaan taageero boliiska Soomaaliyeed kana caawiyaan fulinta shaqadooda si la mid ah nidaamka caalamiga ah ee boliiska.

Goobjoog News