U bood dhigaalka

Uganda oo Ciidamo usoo Direysa Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Uganda ayaa la sheegayaa in December ay ciidamo booliis ah oo gaaraya ilaa  160 ah, oo u badan saraakiil usoo direysa Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay booliiska ayaa sheegaya in ciidankan ay dhameysteen tababar hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Shaqada ciidankan waxaa lagu sheegay kala dambeynta, maamulka iyo ilaalinta saraakiisha AU-da iyo iney ku shaqeeyaan arrimaha loogu talo-galay.

Arrintan ayaa qeyb ka ah kala badalidda ciidamada Uganda, waana markii 10-aad oo sidan ay dhacdo tan 2012-kii oo la bilaabay keennida booliiska dalkaasi, halka ciidamada qalabka sida ee Uganda yimaadeen 2007-dii.

Goobjoog News