U bood dhigaalka

Uganda oo Dooraneysa Madaxweyne iyo Museveni oo Raadinaya Kalsoonida Shacabka

Sheeko:Dalka

Shacabka reer Uganda ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweynaha dalka.

8 Murashax  oo hal haweeney ah ay ku jirto ayaa ku tartameysa doorashada, Madaxweynaha dalka Yoweri Museveni  iyo 7 ka tisan mucaaradka dalkaas.

Mr Museveni oo muddo 30 sano ah dalkaas ka talinayey ayaa raadinaya muddo kale balse waxaa tartan adag kula jira rag ay ugu cad cad yihiin  Kizza Besigye  oo ah nin muddo dheer Mucaarad ahaa iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Amama Mbabazi.

15 Milyan oo u dhashay dalkaas ayaa codeyn kara doorashadan oo lagu tiriyo tii ugu adkeyd ee abid soo marta dalkaas.

Murashaxa waxaa laga rabaa in uu helo 50%  si uu uga fogaado ku celis iyo doorasho kale.

Shacabka ayaa raadinaya madaxweyne wax ka qabta arrimaha baagamuudada iyo guud ahaan shaqada iyo shaqaalaha.

Ammaanka ayaa aad loo adekeeyay ilaa 70,000 oo ciidan ayaa doorashadan ka shaqeynaya, waxaa laga cabsi qabaa in uu ku shubto Museveni  oo horay u bedelay dastuurka si uu u sii joogo.