U bood dhigaalka

Uganda oo Farmaajo iyo Rooble Kala Hadashay Xisilooni Siyaasadeed iyo Amniga Doorashada

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada lugta Uganda oo maanta booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble.

Gen.Muhorzi Kainerugaba ayaa warar ay heshay Goobjoog News sheegayaan inuu Farmaajo kala hadlay Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo ra’isul wasaaraha, oo ay tahay in la fogaado, isaga oo dalbaday in la xasiliyo siyaasadda guud ahaan, lana sugo amniga doorashada iyo dardargelinteeda.

Lt. Gen. Muhorzi oo dalkiisa Soomaaliya ka joogaan ciidamada ayaa ra’isul wasaare Maxamed Rooble oo hadda hoggaamiyaha doorashada kala hadlay guud ahaan amniga iyo hawlgalada dalka ka socda, amniga doorashada iyo arrimo kale .

Waa mas’uulkii ugu horeeyey ee ajnabi ah ee iska xilsaara xalinta Khilaafka labada mas’uul.

 

GOOBJOOG NEWS.